Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho u yimid dhammeystirka Heshiiska Doorashada ee lagu gaaray Dhuusamareeb III ayaa lasoo baxay Shuruudo cusub oo ay doonayaan inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo hore fursad uga helay Madaxtooyada markii Madaxweyne KMG ah ay u aqoonsatay ayaa hadda riixaya tanaasul weyn oo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya inuu natiijada kaliya ee uga hartay dagaalkii siyaasadeed ee ciidan ee uu la galay Jubbaland, taasoo ay in Gobolka Gedo 95% ay la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka taabacsan.
Axmed Madoobe oo taageero ka helaya Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeybgalka shirka Wadatashiga Muqdisho qaadacay inta dowladda Federaalka ay ciidamadeed kala baxeyso Gobolka Gedo, waxaana fashilmay kulan dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo lagu qancin lahaa.
Qodobka kale ee ay Jubbaland iyo Puntland isku hortaageen inuu furmo shirkii wadatashiga ee Madaxweyne Farmaajo la yeelan lahaayeen ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo uu keeno madaxda saddexda maamul Goboleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed, kadibna loo yeero saamileyda siyaasadda, iyagoo ka digtoon in heshiiska ay la gaaraan Madaxweyne Farmaajo uu haddana qabyo noqdo.
Madaxweyne Farmaajo oo Ra’iisal wasaare la’aan ah xilligan, garabkiisuna uu yahay kaliya Agaasimaha NISA ayaa wajaha xaalad adag isagoo u nugul cadaadiska adag ee uga imaanaya Beesha Caalamka iyo labada maamul Goboleed ee ku kacsan oo diyaar u ah inay la gaaraan heer kasta oo guulihiisii siyaasadeed fashil u bedeli kara.
Madaxweyne Deni ayaa maanta sheegay inay u soo diyaar garoobeen imaanshaha Muqdisho, wax degdeg ahna ku jirin, haddii loo baahdana ay xitaa joogi karaan Bilo.
Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweynayasha Puntland iyo Jubbaland ay si dadban uga shaqeynayaan waqti kororsi uu helo Madaxweyne Farmaajo mar kastoo ay daahiyaan heshiiska laga gaari lahaa Doorashada 2020/2021.