Thursday, June 26, 2025

XOG: Axmed Madoobe oo Xayiraad Socdaal ku soo rogay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogay qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka maamlukaasi.Kulan dhex maray Axmed Madoobe iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubba ayaa la sheegay in go’aankaasi lagu gaarsiiyey xildhibaannada iyadoo loo sheegay inaysan ka bixi karin Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa amarkan siiyay maamulka Garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo taliyaha Nabadsugidda Jubbaland iyadoo xildhibaannada lagu xayiray magaalada Kismaayo ay u badan yihiin kuwa looga shakiyey ee waday mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa degan inkastoo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay xildhibaan ka tirsanaa maamulkaasi oo xasaanadda laga qaatay kadibna xabsi la dhigay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON