Thursday, June 26, 2025

XOG: Baaritaan culus oo lagu hayo weerarkii Hotel Reys iyo Xasan Sheekh oo dalbaday..

Baaritaan culus ayaa la sheegay inuu socdo oo ku saabsan weerarkii Hotelka ku dhow Xarunta Madaxtooyada ee Hotel Villa Reys, kadib markii uu xaaladda soo farageliyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Weerarka oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, tasoo keenay inuu madaxweynaha isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kana dalbado faahfaahin.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh amray warbixin ku saabsan sidii ay wax u dhaceen, iyo mas’uuliyadda cidda leh, taasoo laga sugayo Hay’adda NISA, waxaana kulamada ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya inuu tallaabo laga qaadi dooo saraakiil iyo ciidamo loo heysto Qaraxa Hotel Reys, iyadoo ay hadda xiran yihiin ciidamo ka mida kuwii qaabilsanaa baraha koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON