Sida ay sheegeyso xogta laga helay ilo dhinaca amniga ah waxaa lasoo gabagabeeyay baaritaankii Hay’adaha Amniga ku hayeen qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir 24-kii july 2019, kasoo sababay geerida 10 oo ka mida maamulka Gobolka oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii C/raxmaan Cumar Cismaan.
Baaritaanka oo ay sameeyeen ugu yaraan laba dhinac oo Booliska iyo NISA ka tirsan ayna la socdeen dhinacyo kale ayaa soo dhammaaday, waxaana warbixinta loo gudbiyey Wasaaradda Amniga oo kadib la wadaagtay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo wararku sheegayaan inta aan la shaacin sidoo kale lala wadaagi doono Qoyska marxuum C/raxmaan Yariisow.
Qaraxa ayaa ahaa is-miidaamin, sida xogta ay sheegeyso, waxaana fulisay haweeney ka mid ahayd maamulka G/banaadir oo indhoole ahayd Basiiro Cabdi Maxamed, oo ku magacawneyd xiriiriyaha arrimaha Naafadda ee G/Banaadir, iyadoo ay baxsatay haweeney kaalmeyn jirtay oo lagu tuhusan yahay inay qeyb weyn ku lahyd qaraxaasi.
Qaabka Qaraxu u dhacay iyo sida loo fuliyey ayaa la yaab ku noqday madaxda dowladda iyo maamulka G/Banaadir iyadoo aan marna laga fileynin in haweeneydaasi ay ku kacdo fal noocaasi ah, waxaana loo xiray dad ku dhow 10 qof oo kala duwan.
HOOS KA AKHRISO WARAR LA XIRIIRA:
- Sidee loogu tuhmay inay ‘Basiiro Cabdi’ ka danbeysay Qarixii Xarunta G/Banadir?! [Warbixin xasaasi ah]
- XOG: Maxaa ka jira in Kaamerooyinka Xarunta G/Banaadir (CCTV) la damiyey Qaraxa ka hor?