Thursday, April 18, 2024

XOG: C/weli Muudey oo ka hor yimid Heshiiska Doorashada 2020/2021 & Cabsi laga qabo Qalalaase ka dhaca…

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey ayaa ka hor yimid Heshiiska Doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ku gaareen magaalada Muqdisho.

Xogta ay heshay Goojooge ayaa sheegeysa in C/weli Muudey oo hormuud u ahaa ololihii ridista xukuumadii Kheyre uu weli ku dhegan yahay Qorshaha Muddo kordhinta Dowlada hadda jirta, wuxuuna ka baaqday kulankii lagu heshiisiiyay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Dadaal maalmihii ugu danbeeyay ilaa xalay loogu jiray in lagu qanciyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa lagu guuldareystay,iyado shirar kala duwan ay yeesheen Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh iyo C/weli Muudey; waxaana weli socda qancintiisa oo ay wadaan mas’uuliyiin kala duwan. Ma cadda tirada xildhibaaanada uu heysto Mudane Muudey, laakiin inuu kulanka Berri buuq galo ayaa dhibaato ku keeni karta Heshiiska Doorashada Dadban ee ay isla gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Ad

Haddii ilaa caawa lagu guuleysan waayo in la qanciyo C/weli Ibraahim Muudey waxaa laga cabsi in kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka uu buuq hareeyo maalinta Berri oo xildhibaannada labada Aqal loogu yeeray inay cod u qaadaan Heshiiska Doorashada.

C/weli Ibraahim Muudey ayaa si weyn uga faa’iideystay ridistii xukuumadda Xasan Cal Kheyre, wuxuuna xubno ku yeeshay Guddiga Adeegga Garsoorka, Batroolka iyo agaasimeyaal la magacaabay intii uu xilka sii hahey Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON