Dowladda Sacuudiga ayaa magaalada Muqdisho u soo dirtay la-taliyaha Boqorka Sacuudiga si uu ugala hadlo xaaladda dalka Qatar, kuna qalqaaliyo inay xiriirka u jaraan.
Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in la-taliyaha Boqorka Sacuudiga ninka lagu magacaabo Axmed Al-khadiib uu shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo la socday diyaarad gaara oo markii danbe lagu qaaday wafdiga Wasiirada Soomaaliya ee iminka booqashada ku jooga Sacuudiga.
La-taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxayna ka wadahadleen arrinta Qatar, waxaana la sheegay in labada mas’uul ay soo dhoweeyeen in xiriirka loo jaro Qatar.
Kulankii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo La-taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa la sheegay inaan wax guul ah laga gaarin, isla markaana Farmaajo ku adkeystay in dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka Khaliijka ee walaalaha ah.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelled uu la soo xiriiray Farmaajo si uu ugu qanciyo inuu ugu yaraan ku dhawaaqo inuu hoos udhigay xiriirka diblomaasi ee kala dhaxeeya Qatar, taasoo uu diiday madaxeyne Farmaajo.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato deeq maaliyadeed balaayiin Doolar ah oo Sacuudigu balanqaaday inuu ku maalgelinayo dowladda Soomaaliya, taasoo hadda laga yaabo inuu shuruud lagu xiro.
GOOBJOOGE