Warbixin dheeraad ah ayaa laga helay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasoo uu xilka u magacaabay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa inuu Xasan Cali Kheyre ayaa shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaal xoog leh u galay inuu noqdo xoghayaha guud ee IGAD.
Dadaalka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa olole ku qaaday kana hor yimid dowladda Itoobiya, kadibna waxaa dagaalka dhinac kala kasoo galay Guddigii Q/Midoobay ee Monirtoring Group, kaasoo Xasan ku eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab, taasoo keentay inuu xilkii IGAD waayo Xasan Cali Kheyre.
Intaas ka dib Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la-taliye gaar ka dhigtay Xasan Cali Kheyre isagoo ka mid ahaa dadka ugu dhow ee mararka qaar lagu tilmaami jiray inuu uga dhow yahay kooxda Damjadiid.

Xasan Kheyre wuxuu qeyb weyn ka soo qaatay ololihi doorashada madaxweyne Xasana Sheekh isagoo ahaa qofka haya lacagta ololaha doorashada, kadib markii uu xilligii ugu danbeeyay la wareegay kharashaadka ololaha doorashada Xasan Sheekh.
Qoraalo kale ayaan ku eegi doonnaa sida ay ugu suuragashay in xilkan ra’iisal wasaaraha loo magacaabo Xasan Cali Kheyre, laakiin madaxweyne Farmaajo waxaa talo soo jeedin ku saabsan ninkan siiyay ilaaa 6 hogaamiye oo kala duwan iyo ganacsato u balanqaaday inuusan khilaadi doonin.
Goobjooge.com