Monday, June 23, 2025

XOG CULUS: Maxay Madaxtooyada Soomaaliya uga reebtay Wasiir Hadliye kulankii Wasiirka Arrimaha Dibadda Britian?

Xafiiska Madaxtooyada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Villa ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya kula kacday fal ay uga hor istaagtay shaqadisii caadiga ahayad iyadoo laga qariyay qorshaha soo dhoweynta iyo la kulanka Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Philip Hammond oo Muqdisho ku yimid  socdaal maalin ah 2-dii June 2016.

Wasiir Hammond waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweysay safiirka Britian ee Muqdisho Harriet Mathews oo kaliya taasoo ahayd fadeexad dhinaca diblomaasiyadda ah inuusan halkaasi tegin wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar oo Muqdisho ku sugnaa, sidii maamuuska diblomaasiyadeed ahaana aanu soo dhoweyn dhigiisa Ingiriiska oo marti u ahaa.

Baaritaan ay sameysay Goobjooge.com ayaa lagu kashifay in Wasiir Hadliye la qariyay si ula kac ah qorshaha wafdiga Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska iyadoo ay arrintaasi maamuleen agaasimaha Madaxtooyada Cali Balcad iyo ku xigeenkiisa Saadaq C/kariin iyo Afhayeen Daa’uud Aweys.

Waxaa iyaduna la yaab lahayd in Madaxweynaha iyo shaqaalaha Madaxtooyada oo qura ay qaabileen Philip Hammond (EEG SAWIRRADA HOOSE), waxaana xilli danbe oo shirkii dhammaaday halkaasi halheel ku tegay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo si kooban ay isu salaameen wasiirka reer Britian.

Nidaam xumida diblomaasiyadeed ee ay ku kaceen shaqaalaha Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn inuu la qabo madaxweynahooda oo marar badan gacantiisa ku qaata awoodaha dalka. Waxaana wasiirka Ingiriiska laga dareemay inuu la yaabay qaabka soo dhoweyn la’aanta iyo kulankaba.

DAAWO SAWIRRO

DAAWO VIDEO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON