Dalka Qatar oo hore u bixiyey dhaqaalihii Doorashada Maxamed C/llaahi Farmaajo ee 2017 ayaa mar kale maalgelinaya ololaha dib u doorashadiisa
Dhaqaalihii lagu geli lahaa Doorashada ayaa la sheegay inuu soo gaaray kooxda ololaha Doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xogta laga helay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa inuu dalka toddobaadkan kusoo laabtay Fahad yaasiin Xaaji oo ku magacaaban La-taliyaha Amniga Farmaajo, isagoo maalmo ku sugnaa dalka Qatar.
Diyaarad gaara oo garoonka Muqdisho keentay ayaa la sheegay in laga dejiyey Boorsooyin badan oo lacag ku jirtay, waxaana arrintan laga dareemay dhaqdhaqaaq cusub oo ay bilaabeen kooxda ololaha Doorashada Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda ololaha doorashada Famaajo ay ballanqaadyo badan u sameysay madaxda maamul Goboleedyada si ay ugala shaqeeyaan Doorashada Golaha Shacabka, isla markaana dhaqaale xoog leh ku bixineyaan soo saasritsa xildhibaanano taageersan.
Dalka Qatar oo hore u bixiyey lacagtii uu doorashada ku galay Farmaajo sanadkii 2017 ayaa mar kale ah dalka maalgelinaya ololaha dib u doorashada Farmaajo oo wajahi doona musharixiin culus oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore.
