Sunday, July 13, 2025

XOG: Dood kulul oo maanta ka dhaceysa Baarlamaanka [Xukuumadda Kheyre oo Qorshe u diyaarisay-AKHRISO]

Kulan adag ayaa maanta ka furmaya Golaha Baarlamaanka, iyadoo ajendaha looga doodayo uu yahay warbixin ay soo saareen qaar ka mida Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Xukuumadda Somalia lagu eedeeyay musuq iyo maamul xumo maaliyadeed.

Farriin uu xalay diray Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyey in maanta oo Sabti ah ay kulmayaan Xildhibaanada, iyadoo ajendayaashu kala yihiin; Sharciga Hanti dhowrka oo cod loo qaadayo iyo  warrbixinta Miisaaniyadda dowladda.

Xukuumadda ayaa olole weyn ku jiray maalmihii ugu danbeeyay si ay isaga difaacdo Warbixinta Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, waxaana jawaab celinta xukuumadda ugu horeeyay jawaabtii uu qoray Hanti-dhowrka guud, halka arrimo kale ay maanta ka dhici doonaan xarunta Baarlamaanka.

Qaar ka mida xildhibannada Guddiga Maaliyadda ee warbixinta soo saaray ayaa la sheegay inay ku takri faleen awooddi guddigaasi oo ay qaab siyaasadeed u adeegsadeen, taasoo xukuumadda Kheyre ay si weyn uga gilgilatay, waxaana la filayaa in xubno ka mida Guddiga Maaliyadda  Baarlamaanka ka sheegaan inaysan la socon warbixinta oo ay ku talo baxeen qaar ka mida.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda ayaa si weyn loo faafiyey iyadoo dowladda ku eedeysay in la waayey 42 Milyan oo dollar oo ka maqan miisaaniyadda sanadkan 2018, waxayna jug weyn ku noqotay dadaalkii ugu weynaa ee xukuumadda Kheyre ka sameysay dhinaca maaliyadda oo ay aqoonsi uga heshay Hay’adaha caalamiga ah ee IMF iyo World Bank.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo socdaalkiisii soo gaabiyey ayaa hortegaya baarlamaanka, isagoo la filayo inuu faahfaahin ka bixiyo warbixinta Guddiga Maaliyadda ee ku eedeysay Musuqa, waxaana sidoo kale kulanka si weyn uga qeyb geli doona xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda ku jira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON