Sunday, July 13, 2025

XOG: Doorashada Aqalka Sare oo ka bilaaban doonta K/Galbeed iyo faragelinta Farmaajo & Lafta-gareen

Guddoomiye ku xigeenka Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno la socda ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbeed.

Baydhaba ayaa laga filayaa inay ka dhacdo doorashada Aqalka sare maalmaha soo socda, inta ka horeysa 5-ta bisha Ogost, waxaana sha lagu hayaa saameyn la sheegay inuu doorashada ku leeyahay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.

Tallaabada ugu horeysa ee lagu ogaan doono halka ay u socoto doorashada 8-da xubnood ee Aqalka sare kasoo gelaya K/Galbeed ayaa ugu horeyn lagu ogaan doonaa liiska Musharixiinta e uu shaacin doono Madaxweynaha K/Galbeed saacadaha soo socda.

Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isbaheysi la leh C/casiis Lafta-gareen, waxaana uu rajo badan ka qabaa inuu halkaasi ka heli doono xildhibaanno badan oo gacan ka siiya dib u doorashadiisa.

Waxaa la hadal hayaa in ugu yaraan mid ka mida kuraasta Aqalka Sare oo uu hadda ku fadhiyo senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mida xisbiga Himilo ee Sheekh Shariif ayaa qarka u saaran inuu meesha ka baxo, markii awood qeybsi ahaan loo wareejiyey jufo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON