Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan culus ka qaadaneysa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle.
Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u tegay Jowhar si ay xaaladda u soo qiimeeyaan, waxayna la kulmeen Golaha Wasiirada, xildhibaanada iyo madaxweynaha xilka laga qaaday.
Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Amniga, Arrimaha gudaha iyo Waxbarashada waxay xalay warbixin siiyeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, iyadoo Muqdisho uu yimid guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo isna kulan la qaatay madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay si cad u taageerto xil ka qaadistii Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo wafdigii wasiirada ay soo xaqiiqsadeen in xildhibaanada iyo golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ay raacsan yihiin xil ka qaadista Cosoble.
Qoraal uu soo saaray Cli C/llaahi Cosoble ayuu ku sheegay in afgembi sharci darro ah uu ka dhacay magaalada Jowhar, isagoo ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Goobjooge