Monday, July 14, 2025

XOG: Faarax Macalin oo ku soo biiray ololaha Golaha Wasiirada Somalia [Muxuu Muqdisho u yimid..?]

Siyaasiga caanka ah ee dalka Kenya Faarax Macalin ayaa si lama filaan ah ugu soo biiray ololaha magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Faarax Macalin oo ka mida Baarlamaanka Kenya, horena u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalkaasi, oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaano iyo siyaasiyiin ay hormuud u yihiin xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, C/qaadir Maxamuud Dhaqane iyo siyaasiyiintii garabkii Asmara ee Maxkamadaha.

Faarax Macalin oo ay la socdaan siyaasiyiintaasi ayaa degdeg loo geeyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo uu kulan gaara uu hadda kula leeyahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin ayaa dhowaan hambalyo iyo bogaadin u soo diray Ra’iisal wasaare Kheyre markii xilka loo magacaabay isagoo sheegay inuusan jirin qof kaga haboon xilka.

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegeysa in ujeedka Faarax Macalin u yimid magaalada Muqdisho ay tahay inuu Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo u hambalyeeyo, isla markaana ku dhiirigeliyo inay golaha wasiirada ku soo daraan saaxiibadiis kooxdii Asmara.

Faarax ayaa ku caan baxay taageeradii uu siiyay Maxkamadihii islaamiga ahaa ee Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya la wareegay sanadkii 2006.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON