Sunday, June 22, 2025

XOG: Farmaajo oo diidmo kala hor tegay Dalab uga yimid Axmed Qoorqoor (Maxaa dhex maray..?)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa diidmo kala hortegay codsi taageero ah oo uga yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Kulan habeen hore dhex maray Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib dalab taageero milateri ah ah oo uu gudibyey Madaxweynaha Galmdug oo dagaal culus uga furan yahay Alshabaab ay laba bilood ka socda Koonfurta Mudug.

Xogta Goobjooge heshay ayaa sheegeysa in Axmed Qoorqoor uu Farmaajo ka codsaday inuu ciidamada Galmudug u ogolado taageero milateri oo isugu jirta: Gaadiid, Saanad iyo Hub, si loogu taageero ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Alshabaab, laakiin Farmaajo ayaa la sheegay inuu u deyriyey, una caddeeyay inaan codsigiisa la fulin karin.

Ad

Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu Farmaajo hordhigay qeybo ka mida Hubka iyo gaadiidka faraha badan ee Gobolka Gedo la geeyay in loo wareejiyo Galmudug, laakiin sida xogta lagu helay wuxuu Maxamed C/llaahi Farmaajo ka hor yimid fikradaasi, isgoo ku dooday in Gedo ay tahay Xuduud laga difaacayo Caddowga Kenya.

Kulanka Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib dagaalkii cuslaa ee degaanka Camaara ka dhacay oo gaadiid badan iyo hub ay Alshabab ku qabsadeen, kaasoo qeyb ka mida ay lahaayeen ilaalada Madaxweynaha Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON