Thursday, June 26, 2025

XOG: Farmaajo oo Heshiis hoose la gelaya Jeneral Xuud & Kursigii uu sharaxnaa Fahad Yaasiin oo..

Waxaa magaalada Beledweyne ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo uu wado Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, kaasoo xal loogu helayo gadoodka uu waday Jeneraal Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud).

Xogta la helay ayaa sheegeysa in qorshahan ay diyaariyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin, si loo abuuro jawi ay Doorasho uga dhici karto magaalada Beledweyne, halkaasin uu ku tegi karo Fahad Yaasiin oo dadaal ugu jira inuu soo qaato Kursiga HOP086.

Waanwaanta uu wado Jeneraal Biixi ayaa ku dhow gabgabo, waxaana la sheegay in Jeneraal Abuukar Xuud uu tegi doono magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, halkaasina heshiiska lagu saxiixo, iyadoo Jenraal Xuud iyo kooxdiisa loo ballanqaaday taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Kooxda Farmaajo ayaa magaalada Beledweyne waxaa ka yaalla kuraas badan oo ay dooneyso inay kusoo baxaan xubno ay wadato, iyadoo hore is-aragrad ula gaartay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Taliyaha ciidamada dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Farmaajo wakiil uga noqday heshiiska siyaasadeed ee xaaladda Beledweyne, iyadoo hore saraakiisha ciidamada lagu armay inaysan ku lug yeelan siyaasadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON