Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ninka Farmaajo u qaabilsan Gobolka Gedo uu gaaray, ka hor inta aysan halkaasi gaarin wafdiga maamul Goboleedyada ee dib u heshiisiinta.
Cabdullahi Aada Kulane oo ka mida madaxda Sare Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa shalay safar Qarsoodi ku tagay degmada Luuq, isagoo wata ilaalo xoog leh oo magaalada Muqdisho uu ka watay.
Qorshaha uu Cabdullahi Kulane ku tegay Gobolka Gedo ayaa ku saabsan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen maamulka loo sameynayo magaalada Garbahaarey oo ay hadda ka socoto olole ku saabsan soo xulista xubnaha loo sharxayo guddoomiyenimada magaalada ay doorashadu ka dhaceyso ee Garbahaarey.
Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in in sidoo kale ay Gobolka gaareen Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo, Cabdiraxman Cabdullahi iyo Bakaal Kooke oo ah taliyaha ciidamada xasilinta ee Gobolka Gedo oo dhowaan Itoobiya kasoo laabtay.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay wadato labo musharax oo ka mida liiska musharixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Garbahaarey, waxaana labadan musharax soo qoratay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Odayaasha magaalada laga doonayo inay gudbiyaan.
Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa doonaya inuu saameyn ku yeesho xildhibannada beeshiisa ee lagu dooranayo magaalada Garbahaarey, waxaana Gobolka Gedo si toos u maamula C/llaahi Kulane oo Farmaajo u qaabilsan.
