Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Qandaraas ku siiyey shirkad dhinaca ololaha qaabilsan oo Mareykan ah inay u ololeyso sidii uu booqasho ugu tegi lahaa dalkaasi.
Qandaraaskan waxaa qaadatay shirkad lagu magacaabo LFA Holdings, waxaana heshiiska la saixixday safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed, iyadoo lacagta ku baxeysa ololahan ay gaareyso 150,000 Dollar.
Sida lagu soo bandigay xogtan oo uu qoray bogga foreignlobby, arrinan ayaa imaaneysa xilli uu Farmaajo waqitigii ka dhammaaday, isla markaana uu doonayo inuu xilka sii joogo, waxaana si weyn arrintaasi uga hor yimid Maamulka Madaxweyne Joe Biden.
Shaqada shirkadda dhinaca ololaha qaabilsn ee LFA Holdings u qabaneyso Maxamed Farmaajo ayaa ah inay galaangal uga dhex sameyso dowladda Mareykanka, sida Koongareeska, iyadoo aan dhinaca fulinta lagu xusin shaqadeeda ay diiwaan gelisay.
Shirkadda uu Farmaajo lacagta badan ku siiyey inay u suurageliso booqasho uu ku tago Mareykanka oo la kulmo xubnaha Koongareeska, waxay shaqadeeda bilowday bishii Maarso, xilli xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Bilinken uu ku baaqay in degdeg loo qabto doorashada oo aan la aqbaleynin muddo kordhin.
Agaasimaha shirkadda LFA Holdings Luis Aleman ayaa heshiiska qandaraaska la saxiixday danjiraha Soomaaliya Ali Sharif Ahmed. LFA waxay qandaraaska ku heleysaa $ 150,000. Warqadda heshiisku waxay ku taariikheysan tahay 22-ka Maarso.
HOOS KA AKHRISO HESHIISKA
