Sunday, June 22, 2025

XOG: Khilaaf ka dhex taagan Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Dhaliyarrada (Maxay isku hayaan?)

Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Xamza Siciid Xamza.

Khilaafkan ayaa salka ku haya xil ka qaadis uu wasiir Xamza ku sameeyay agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Isboortiga ninka lagu magacaabo Isaaq Xaashi Jimcaale, waxaana dhacday in qoraal sharci darro looga dhigayo xil ka qaadistaasi uu soo saaray Wasiiru dowlaha wasaaraddaasi Maxamed Xaaji Ibraahim, markii uu sidaasi ku amray RW Rooble.

Rooble ayaa la sheegay inuu diiay xil ka qaadisata wasiir Xamza markii ay u dacwoodeen xubno uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab) oo saaxiibo dhow la ah RW iyo xubno kale oo ka horjeeda xil ka qaadista agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Isboortiga, taasoo keentay inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo.

Ad

Xiriirka RW Rooble iyo Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga ayaa xumaaday markii ay suurageli weyday inay arrintan ka wadahadlaan, waxaana sabab looga dhigay inuu xanuunsanaa Wasiir Xamza. Ra’iisal wasaaraha ayaa amray Wasiiru dowlaha Wasaaradda inuu qoro warqad uu sharci darro uga dhigayo xil ka qaadista uu sameeyay wasiirka, waxaana xilka dib loogu soo celiyey agaasimihii shaqada laga eryay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inay arrintan salka ku heyso mashruuc ay heshay wasaaradda Dhalinyarrada oo ay isku qabteen Wasiirka iyo Agaasimaha uu xilka ka qaaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON