XOG: Kiiska Musuqa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo lugaha la galay Wasiir Cawad & is-mari waa ka taagan

Kiiska dacwadda musuqmaasuqa ah ee loo heysto Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa lugaha la galay Wasiirka Wasaaraddasi Axmed Ciise Cawad.

Sida ay sheegeyso xog ay heshay mareegta Goobjooge.net, kiiskan oo soo taagnaa muddo ka badan 4 bilood ayaa salka ku haya dhaqaale si xun loo maamulay iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiir ku xigeenka uu ahaa qofka kiiskan ugu weyn ee loo haysto, maadaama uu ahaa qofka ku sugan xarunta Wasaaradda oo maamulka gacanta ku hayey.

Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad ayaa ka hor yimid baaritaan ay waday hay’adda Hanti dhowrka guud oo xafiisyada maamulka calaamado ku dhejisay, taasoo caddeyneysa in baaritaan socdo oo aan la furi karin khasnadaha iyo xafiisyada baaritaanku ka socdo, laakiin wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu jebiyay amarkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku doodaya inuu ku shaqenayay Amarka wasiirka Arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, isla markaana aanu wax u gaara isagu ku dhaqaaqin, taasoo kiiskan lugaha u soo gelisay wasiirka, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda sii cakirto.

Wasiir ku xigeenka oo la isku dayey in la xiro kadib markii loo soo jaray amar maxkamadeed, ayaa xaaladiisu weli cakiran tahay markii qaab aan habooneyn ay ciidamo boolis ah u damceen inay qabtaan, taasoo uu soo dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre, laakiin waxaa saxaafadda la hadlay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka oo eedeyn musuqmaasuq ah u jeediyey Wasiirku ku xigeenka.

Warkii kasoo baxay xalay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo si weyn loogu eedeeyay falkii lagula kacay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo tallaabada ay qaadeen Hanti dhowrka iyo xeer ilaaliyaha ayaa si cad u muujiyey in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ay u dhan yihiin kiiskan, marka laga reebo wasiiru dowlaha wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kaasoo  u muuqda inuu xilli hore u shaqeeyo sida wasiir.

Is-mari waaga ka taagan kiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay ee mas’uul heerkiisu yahay wasiir ku xigeen xil haya lagu soo oogo dacwad musuq ah, waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan in arrintani ku dhammaan doono xil ka qaadis.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,930FansLike
552FollowersFollow
2,428FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,930FansLike
552FollowersFollow
19FollowersFollow
2,428FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!