Tuesday, July 8, 2025

Xog ku saabsan Senatoorada lagu dooranayo Baydhaba iyo xubnaha lasii ogyahay inay soo baxayaan

Waxaa maanta magaalada Baydhaba ka dhaceysa doorashadii ugu horeysay ee Senatoorada Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

10 Musharax ayaa ku tartamaya shanta kursi ee uu soo saaray Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen oo lagu eedeeyay inuu kuraastaasi usoo sharxay xubno ay saaxiibo iyo ehel yihiin, kana reebay siyaasiyiin hore kuraastasi ugu fadhiyey.

Waxaa lasii ogyahay xubnaha maanta kusoo bixi doona Doorashada Aqalka Sare ee k dhaceyas Baydhaba, waxayna kala yihiin:

Kursiga 1aad:

Waxaa ku tartamaya Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u Heshiisinta Xukuumada Federalka Soomaliya iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana si fudud kusoo bixi doona wasiiru dowlaha Aadan Cabdinaasir Maxamed

Kursiga 2aad

Waxaa ku loolamaya Dr. Xuseen Maxamed Daahir oo ahAgaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Xasan Maxamed Nuur, kaasoo ay dhinac xigto ka yihiin Madaxweynaha K/Galbeed, iyadoo si fudud uu kursigan ku qaadan doono agaasimaha Dr. Xuseen Maxamed.

Kursiga 3aad:

Waxaa kurisgan uu dhex yaallaa Samsam Ibraahim Cali oo hadda senator ah, dibna loogu sharxay iyo Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, waxaana iska cad inay kursiga dib ugu soo laaban doonto Samsam

Kursiga 4aad:

Tartanka Kursigan wuxuu dhex yaallaaa Maxamuud Maxamed Cabdinuur Garabeey oo isku dhow yihiin Madaxweynaha K/Galbeed iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana lagu wadaa inuu sahal ah kusoo baxo Maxamuud Garabeey.

Kursiga 5aad:

Waa kursi kale oo ay ku loolamayaan loona xiray haween qura oo kala ah: Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan; waxaana ku soo bixi doonta Ayaan Aadan oo uu wato Madaxweynaha K/Galbeed.

Kuraasta qaarkood waxaa laga yaabaa inuusan tartan dhab ah ka dhicin ee tanaasul yimaado, maadaama dadka lasoo sharxay aysan ahayn kuwo loogu talogalay inay codad helaan.

Doorashada Aqalka sare ee ka dhacay Kismaayo iyo Baydhaba ayaa u muuqata inay isu bedeshay xulasho ay dadka doonayaan kusoo saaranayaan madaxda Maamul Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON