Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa intii uu xilka hayey ka bixiyey qasnada dowladda Hoose ee Muqdisho lacag fara badan oo shaki weyn abuurtay.
Ibraahim Dheere oo muddo bil ah hayey xilka ku-simaha ayaa xogta la helay ay sheegeysaa inuu lacag ka badan Hal Milyan oo Doolar ku bixiyey tacsida iyo maamuuska loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), kadib markii uu lacago aad uga badan qiimaha caadiga ahaa uu ku qortay qaansheegtooyinka howlihii tacsida iyo maamuuska ahaa ee maamulku ku qarash gareeyay saameyntii ka dhalatay qaraxii Xarunta G/Banaadir.
Lacagta muddada kooban lagu bixiyey ayaa gaartay 1 Milyan oo Doolar iyadoo ilaha qaarkood ay gaarsiinayaan Hal Milyan iyo Bar Doolar. Arritan ayaa la sheegay inuu ka hor yimid agaasimihii lacagta Maamulka Banaadir C/raxmaan Cusmaan Ibraahim, taasoo keentay inuu xilka isaga tago casilo markii uu diiday inuu dokumentiyo u sameeyo lacagaha badan ee ku-simaha Guddoomiyaha Ibraahim Cumar Mahad-Alle uu doonayey inuu saxiixdo, lagana saaro Qasnadda Dowladda Hoose ee Bankiga Dhexe; kuna qaato arrimihii ka dhashay qaraxa ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir 24-kii Ogost 2019.
Arrintan ayaa la gaarsiiyey madaxda dowladda Somalia sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana la sheegay inuu madaxweynaha u yeeray agaasimaha isu casilay musuqa ka socda maamulka Gobolka Banaadir ee uu ku kacay Ku-simaha Guddoomiyaha Ibraahim Dheere, iyadoo aan weli wax tallaabo ah la qaadin.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-Alla ayaa la sheegay inay fursad u noqotay xilka kusime-nimo ee uu qabtay kadib geeridii Guddoomiyihii hore, waxaana lacagaha uu saxiixay ee fara badan qaarkood la wadaagay oo qeyb ahaan saxiixay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah.
Guddoomiyeyaasha iyo agaasimeyaasha Maamulka G/banadir ayaa dhibaato weyn kala kulmay kusime Ibraahim Cumar Mahad-Alla, waxaana dhex maray khilaaf keenay inay aad u xumatay wada-shaqeyntii maamulka; wuxuuna ku dhiiraday inuu qoraalada ku saxiixo magaca guddoomiyaha G/banadir, halka uu ahaa ku xigeen ay xaalad keentay inuu kusime noqdo.