Monday, June 23, 2025

XOG: Lafta-gareen oo Xildhibaan saaxiib la ah Farmaajo ka hor istaagay Kursigiisii Golaha Shacabka

Waxaa maanta magaalada Baydhaba ka dhacaya doorashada 5 ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ka mida kursi uu ku fadhiyo xildhibaan caan ah oo saaxiib la ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kuraasta lagu dooranayo magaalada Baydhaba waxaa ka mida HOP177 oo uu ku fadhiyay Ibraahim Isaaq Yarow. Xildhibaankan oo muddo dheer kursiga ku fadhiyay ayaa laga reebay doorashadan, kadib markii uu awood u adeegsaday Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow oo ahaa guddoomiyihii Guddiga dib u eegista Sharciga Doorashada iyo asteynta Kuraasta xildhibaanada ee lagu soo saaray astaanta ‘HOP’, wuxuuna taageero u ahaa Farmaajo, isagoo dadaal u galay inuu kursiga kusoo laabto, taasoo uu taageero uga helay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Ad

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ayaa si adag uga hor yimid inuu mar kale xildhibaan kusoo laabto, isagoo arrintaasi la sheegay inuu ka dhaadhiciyey Farmaajo, kadibna ay keentay in laga xayiro kursiga HOP177.

Kursiga HOP177 ayaa lagu wadaa inuu kusoo baxo waxaana ku soo bixi doona C/qaadir Sheekh Cali Baraka oo ah Wasiir ku-xigeen ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Kuraasta kale ee maanta lagu dooranayo waxaa ka mida:

- Advertisement -

1: HOP188: waxaa hadda ku fadhiya Aadan Ibraahim Dhayow, iyadoo ay ku tartami doonaan Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed.

2: HOP185: Waxaa ku tartami doona Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed.

3: HOP175: Waxaa ku tartamaya Aadan Maxamed Ibraahim iyo Cabdirishiid Nuur Jilley.

4: HOP159: Waxaa ku tartamaya Maxamed Barre Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON