Wednesday, June 25, 2025

XOG laga helay Alshabab: Maxaa loo adeegsaday Qarixii xarunta G/Banaadir? [Ma ahayn Is-miidaamin]

Iyadoo maamulka Gobolka banaadir uu sheegay in qaraxii shalay ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka banaadir lagu tuhunsan yahay inuu ahaa Is-miidaamin haweeney ayaa waxaa soo baxaya xog cusub oo ku saabsan in qaraxaasi aanu ahayn is-miidaamin.

Warbaahinta taageerta Alshabaab oo soo xigatay saraakiil ka tirsan Xarakada ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka shirarka uu ahaa waxayaabo qarxa oo lagu sii diyaariyey goobtaasi, balse aanay ahayn qof is-miidaamiye ah, waxaana warku intaas ku daray In waxyaabahaasi la diyaariyey ay qarxi waayeen xilligii loogu talogalay oo ahayd intii uu xarunta ku sugnaa wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan, balse ay qarxeen saacado kadib.


Qalabak qarxa ee lagu diyaariyey xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayay sheegeen ilaha warkan laga soo xigtay ee Alshabaab inay cilad ku timid waqtigii lagu xiray inuu qarxo, balse markii dambe uu ku qarxay madaxda iyo Saraakiisha maamulka gobolka Banaadir oo halkaas shir uga socday.

Arrintan haddii ay run noqoto waxay muujineysaa jahawareerka ka taagan qaraxaasi oo saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku howlan aysan weli xaqiiqo cad u helin, waxayna kiiska qaraxani ka dhigeysaa mid ka culus weerar is-miidaamin ah oo dad ka mida maamulka Gobolka ay fududeeyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON