Khilaaf ayaa hareeyay cidda magacaabeysa Guddiga Doorashooyinka ee xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, iyadoo uu taagan yahay loolan u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo ayaa olole ugu jira inuu soo magacaabo Guddiyadan, laakiin Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa si weyn uga hor yimid qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu soo magacaabo, lana wareego Guddiyada Doorashada si ay ugu soo saaran xildhibaannada uu doonayo Doorashada soo socota.
Shirar ay dhowr jeer isugu yimaadeen Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi sida Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf, Wasiirada iyo inta badan xildibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa lagu guuleysan waayey in heshiis laga gaaro arrintan oo hortaagan in hore loo wado jadwalkii Doorashada.
Waxaa lagu heshiin waayey cidda magacaabeysa Guddiyada Doorashada oo ay isku heystaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo metelaya madaxweyne Farmaajo, iyadoo uu socon waayey qorshe meel dhexe ahaa oo ku saabsan in la kala qeybsado ama Beel kasta xubnaheeda soo magacawdo.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa rajo weyn ka qaba inuu maamuli karo xildhibaannada Doorashadan 2020/2021 ka imaanaya Gobollada Waqooyi, isagoo u maraya Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa loolan culus kasoo wajahaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hadda taageero ka helay Madasha Xisbiyada Mucaaradka ee Madaxweynayaashii hore hoggaamiyaan.

Arrintan ayaa caddeyn u ah sida Madaxweynaha udu dadaallayo inuu gacanta ku dhigo maamulka Doorashada Federaalka, iyadoo xildhibaannada Somaliland u arka xubno uu sahal ku heli karo oo qeyb ka qaadan kara qorshihiisa ah in dib loogu doorto xilka Madaxweynaha.