Dowladda Kenya ayaa weli sii wada ololaheeda diblomaasiyadeed ee ay ku dooneyso sidii xal loogu heli lahaa dacwadda xuduudka Baddai yo xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhaxaysa Somalia.
Shalay waxaa magaalada Jabuuti gaartay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo farriin ay ka siday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u gacan gelisay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna sheegtay in farriinta ku saabsaneyd xiriirka labada dal iyo nabadda Gobolka.
Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo qaabilay Monica Juma inta aysan la kulmin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inay ka wadahadleen xiriirka labada dal, isla markaana ujeedkeedu ahaa in farriin ay ka siday madaxweynaha Kenya ay u gudbiso Madaxweynaha Jabuuti.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Kenya uu dadaal ugu jiro sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladaha Somalia iyo Kenya, loogana baaqsan lahaa dacwadda labada dal ka taalla Maxkamadda ICJ, taasoo ay diiday dowladda Somalia.
Lama oga in Jabuuti ay ku biiri doonto dalalka dhexdhexaadinaya Somalia iyo Kenya, laakiin Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaxiib dhow la ah Somalia, inkastoo xiriirkiisa Madaxweynaha Somalia uu xumaatay markii uu isbaheysi la galay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Kenya waxay dhowaan dalalka Ingiriiska iyo Norway ku eedeysay inay sii hurinayaan xiisada ka dhaxeysa Somalia iyo Kenya iyagoo taageeraya dowladda Somalia, waxaana hore isku dayey inay labada dal waanwaan ka dhex sameeyaan dalalka Itoobiya iyo Qatar, iyadoo dowladda Somalia aysan arrintaasi soo hadal qaadin.


