Saturday, July 5, 2025

XOG: Madaxweynaha Puntland oo ka hor yimid Shir ay Kismaayo ku yeelan lahaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka…

Waxaa magaalada Kismaayo xalay ka dhacday xaflad sagootin ah oo loo sameeyay madaxdii hore iyo siyaasiyiintii ka qeyb gashay caleemo-saarkii Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn.

Xogta laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegeysa in shir la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo oo looga horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya uu baaqday, kadib markii Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu ka hor yimid, iyadoo la isku qabtay magaca lagu qabanayo iyo waxa looga hadlayo, taasoo markii dambe keentay in la kansalo.

Axmed Madoobe iyo madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Kismaayo aan loo tegin caleemo-saar kaliya ee laga tashan doono xaaladda Somalia iyo halka ay ku socoto, laakiin waxaa si weyn loo dareemay in madaxweynaha Puntland aanu dooneyn shir noocaas ah iyo inuu la fariisto siyaasiyiin aan wax xil ah heynin.

Xafladii sagootinta ee xalay ka dhacday magaalada Kismaatyo ayaa lagu soo bandhigay suugaan, waxaana khudbaddau gu weyn ka jeediyey Axmed Madoobe oo sheegay farriimo culus u diray madaxda dowladda Soomaaliya, kana codsaday inay la heshiiyaan.

Siyaasiyiinta iyo madaxda ka qeyb gashay caleemo-saarkii Kismaayo ayaa la filayaa inay maanta iyo Berri ku noqdaan degaanadoodii.

Image may contain: 3 people, people standing and indoor
Image may contain: 11 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON