Dood weyn oo ka dhalatay laba gaari oo lagu xardhay sawirrada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laguna soo bandhigay xuskii xasuuqii Soope iyo sanadguuradii qaraxii 14- Oktoobar 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay inay iska fogeyso Madaxweynaha Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Somalia ayaa dafiray in Madaxtooyada ay wax ka ogeyd gawaaridaasi, wuxuuna dusha u saaray dadkii falkaasi sameeyay, wuxuuna qoraal kooban ku dhaliilay arrintan sida weyn loogu cambaareeyay baraha bulshada, waxaana qoralkiisa ka mid ahaa : “Qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka waxay isu haysteen inay wax hagaajiyeen. dhaqamada liita waa in la baabi’iyaa”
Raadraac aanu ku sameynay labadaas gaari ayaa lagu ogaaday inay lahaayeen degmooyinka Wadajir iyo Hodon ee maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ogaa guddoomiyaha G/banaadir Cumar Maxamud Maxamed oo khudbadiisii uu ka jeediyey halkaasi ku tilmaamay sawirradaaasi inay muujinayaan naxariista madaxda dalka.
Sawirrada labada gaari lagu xardhay ayaa ahaa madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhiig u shubaya dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoope, laakiin waxaa lagu tilmaamay dayaacad iyo xayeysiin aan qabanin munsaabad lagu xusayo geerida dad ka badan 600 qof.
Waxaa kaloo la ogaaday inaysan ahayn markii ugu horeysay ee sawirro noocan ah lagu soo bandhigo sawirro noocan oo kale ah, xuskii 14-ka Oktoobar ee sanadkii hore 2018 sidan oo kale lagu soo bandhigay sawirka Ra’iisal wasaaraha oo gaari ku xardhan, iyadoo dad kooban ay ka hadleen, waxaana la yaab lahayd in Boor weyn oo goobta kasoo horjeeda la suray sawir madaxweynaha Soomaaliya lagu xardhay iyadoo ay ku qoran yihiin ereyo mahadcelin shacab ah.



Labada degmo iyo maamulka G/banaadir waxa saameyn ku leh kooxda ‘XOOGAGGA WADANIYIINTA’ ee sida tooska ah u hoos tagta xafiiska Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo ah koox u abaabulan ololaha madaxweynaha laguna sheego inay la mid yihiin ‘Guul-wadayaashii’ Kacaanka.