Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u debcay cadaadis xoog leh oo uga yimid maamul Goboleedyada dalka, isagoo ka tanaasulay qodob halis siyaasadeed ku ah Ra’iisal wasaare Kheyre.
Madaxweynaha Galmudug ee lagu muransan yahay xilkiisa Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xaqiijiyay inuu martiqaad ka helay madaxweynaha Soomaaliya shirka uu ku baaqay ee madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ku dhex mari doona magaalada Muqdisho.
Xaaf ayaa caddeeyay inay soo gaartay martiqaadka dowladda ee madaxweyne Farmaajo, taasoo micnaheedu yahay in dowladda federaalka iyo madaxweyne Framaajo ay aqoonsan yihiin sharcinimada madaxweyne Xaaf oo hore xukuumadda Soomaaliya ay u taageertay xil ka qaadista ay ku sameeyeen qaar ka mida xildhibaannada Galmudug.
Lama oga in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay isla ogaayeen arrintan oo go’aan isbedel ah ka qaateen arrintan, laakiin waxay xukuumadda Kheyre dadaal aan yareyn ku bixisay sidii looga ridi lahaa madaxweynaha Galmudug oo gurmad ka helay madaxda maamullada kale.
Lama oga halka uu ku danbeyn doono ololihii ay gadaal ka riixeysay xukuumadda ee lagu doonayay in xilka looga qaado Axmed Ducaale Xaaf, haddii uu xaqiiqo noqdo in Farmaajo uu ku casuumay shirka madaxda maamul Goboleedyada ee loo asteeyay inuu Muqdisho ka dhaco 28-ka Oktoobar.
Goobjooge