Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Beesha Sacad oo ka mida beelaha ugu waaweyn ee maamulka Galmudug u gudbiyey laba codsi oo culus kuwaasoo ku saabsan maamulka Galmudug iyo Doorashada maamulkaasi ee dhowaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.
Kulan Madaxtooyada ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiinta Beesha Sacad H/Gidir oo ay ka qeyb galeen xubno uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenkii is casilay ee C/kariin Dhalac, ayuu madaxweyne Farmaajo hordhigay siyaasiyiinta Beeshan: 2- Inay Beesha ka tanaasusho Xilka Madaxweynaha Galmudug; 2- in Musharaxa Cabdi Dheere laga reebo tartanka Madaxweynaha Galmudug iyo 3- in Beeshu taageerto musharaxa Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo dowladda Somalia ay wadato.
- XOG: Muxuu Madaxweyne Farmajo uga noqday taageerada musharaxa Madaxweynaha Galmudug ee Cabdi Dheere?
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in dood ka dhalatay arrintan ay keentay in madaxweyne Farmaajo la weydiiyo sababtii uu uga noqday taageeradii uu siiyey Musharaxa C/llaahi Axmed Maxamed (Cabdi Dheere), iyadoo markii uu dalbkiisa ku adkeystay madaxweynaha uu si weyn uga carooday wasiir ku xigeenka C/kariin Dhalac oo markii danbe is-casilay.
Madaxda Dowladda Somalia ayaa doonaya in taageero buuxda u helaan musharaxa xilka madaxweynaha Galmudug Axmed QoorQoor, taasoo keeni doonta isbedel ku yimaada qaabka awood qeybsiga Beelaha H/Gidir. Loolanka ugu adag ee xilka Madaxweynaha ayaa dhex mari doona musharax C/raxmaan Odowaa oo ka tirsan tageerayaasha madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh iyo musharaxa dowladd Somalia ee xilligan Axmed Qoorqoor.