Sunday, June 22, 2025

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farageliyay Mooshinkii Amniga ee Golaha Shacabka

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu faragelin toos ah ku sameeyay Mooshinka xaaladda Amniga iyo Xasaanadda Xildhibaannada ee xilligan hor yaalla Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha xiriir toos ah la sameeyay, Lana kulmay Guddoomiyah Golaha Shacabka, waxaana caawa kulan ku dhex marayaa Madaxtooyada xubnaha Guddoonka Baarlamaanka, madaxda Guddiyada iyo Madaxweynaha, kaasoo looga hadlayo xaaladda Golaha Shacabka iyo Mooshinka horyaalla.

Xogta la helay ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal ugu jiro in Mooshinka Amniga ee hor yaalla Golaha Shacabka si degdega loo soo xiro, isla markaana aan loo yeerin taliyeyaasha ciidamada iyo Agaasimaha NISA ama Wasiirada xukuumadda, isagoo doonaya inuu isbedel ku sameeyo dhowaan taliyeyaasha Amniga.

Ad

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha uga warbixinayaa Guddoonka Golaha baaritaanka socda weerarkii ka dhacay Hotelka Villa Rays oo Guddi uu u saaray, isla markaana uu doonayo in waqti la siiyo Guddiyadaasi.

Waxaa kaloo socda Mooshin ka dhan ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin, kaasoo uu doonayo Madaxweynaha inuu ka hortago, si xilligan aanu dalku u gelin qalalaase siyaasadeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo culeys kasoo wajahay xildhibaannada ayaa kulanka madaxweynaha ay ku wehliyaan xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, si uu madaxweynaha ugu qanciyo in lasoo afjaro Mooshinka Amniga.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON