Saturday, August 13, 2022

XOG: Magacaabidda Golaha Wasiirada cusub iyo Liiska u diyaarsan Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa socda ololaha loogu jiro magacaabidda Golaha wasiirada xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre, kadib markii uu shalay helay codka kalsoonida Golaha shacabka.

Waa sidoo kale dhinac socota munaasabad xilwareejin ah oo Ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ku banneynayo xafiiska, isla markana uu xilka kula wareegayo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in inta badan liiska Golaha Wasiirada uu diyaariyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna intooda badan yihiin siyaasiyiin cusub oo uu soo xushay, iyadoo golaha wasiirad ay ka harsan yihiin xubno kooban iyo is afgarad dhex mara Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Ad

Qaar ka mida Golihii Wasiirada xukuumadihii Rooble iyo Xasan Kheyre ayaa olole ugu jira inay ka mid noqdaan xukuumadda cusub, balse waxaa ka hor yimid caqabado ay ka mid yihiin inaan la arki karin madaxweynaha iyo fursadahooda oo aad u liita.

Xukumadda cusub ayaa lagu wadaa in la shaaciyo kadib munaasabadda 1-da July, iyadoo intooda badan la filayo inay wasiiradu ku yimaadaan xulshada Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON