Thursday, June 4, 2020
More

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo cadaadis saaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

    Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa cadaadis ku saaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya inay qaboojiyaan xiisadda ka dhex taagan; ayna bilaabaan wadahadal.

    Sida alaga soo xigtay ilo diblomaasi oo Kenyan ah, kadib dagaalkii xuduudka Bula-xaawo iyo Mandheera u dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee taabacsanaa Wasiirka baxsadka ah ee Amniga Jubbaland, waxaa arrinta si toos ah u soo farageliyey Mareykanka iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxayna culeys ku saareen labada madaxweyne inay xaaladda qaboojiyaan.

    Ad

    Cadaadiska la saaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa keenay inuu Telefoon u diro dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, halka Madaxweynaha Kenya uu wafdi heer sare ah usoo diray magaalada Muqdisho, kuwaasoo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay inuu booqasho ku tago magaalada Nairobi.

    Somalia iyo Kenya midba kan kale ku eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay madax bannaanida iyo qaranimadiisa, waxayna arrintan heerkii ugu sareeyay gaartay 2-dii March 2020 markii ciidamada Somalia ay xuduudka Kenya kula dagaalameen ciidamada Jubbaland ee Kenya taageerto.

    Lama oga sida xal looga gaari karo khilaafka Somalia iyo Kenya oo salka ku haya maamulka Jubbaland iyo Dacawadda xuduudka Badda labada dal ee hortaalla Maxkamadda Caddaalada ICJ.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,313FollowersFollow
    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,313FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN