Bannaanbaxyo looga horjeedo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Doorashada Dalka ee lagu eedeeyay inuu boobayo ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan Waqooyiga Muqdisho, sida Kaaraan, Yaaqshiid, C/casiis iyo degaanada la xiriira.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay bannaanbaxyada maanta dhacay oo lagu gubay sawirrada FARMAAJO, waxayna dadkii ka qeybgalay ay sheegeen inay ka horjeedaan Doorashada uu doonayo inuu boobo Madaxweyne Farmaajo si uu dib ugu soo laabto.
Waxaa baaqday bannaanbaxyo la filayey inay ka dhacaan degmooyinka Howlwadaag, Hodon, Deyniile iyo degmooyinka la xiriira, kuwaasoo ay abaabulkooda lahaayeen musharixiinta qaarkood; waxayna xogta aanu helnay ay sheegeysaa in ciidamada dowladda ee Booliska iyo NISA ay ka warheleen goobaha laga abaabulayay bannaanbaxyadaasi, iyadoo xalay xilli danbe ciidamo badan dul dhigay goobahaasi, taasoo keentay inay qabsoomi waayaan maanta.
Wararka ayaa sheegaya in degmooyinka ay maanta ka baaqdeen bannaanbaxyada lagu wado in maalmaha soo socota ay dib u abaabuli doonaan bannaanbaxyada looga horjeedo doorashada ay wado dowladda Federaalka ee muranku ka taagan yahay.
Musharixiinta Madaxweynaha ee abaabulay bannaanbaxyadan ayaa sheegaya inay ahaayeen kuwo nabadeed oo lagu dalbanayo Doorasho xor iyo xalaal ah, balse Madaxweyne Farmaajo uu ciidamo iyo awood u adeegsaday.
