Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in is-faham uu dhex maray wasiirada xukuumadda Somalia ee ku sugan magaaladaasi iyo mas’uuliyiinta Ahlu suna oo xaalada cakiran ka dhex taagneyd maalmihii ugu danbeysay.
Waanwaan socotay ilaa xalay iyo kulamada ay albaabada u xirnaayeen ayaa dhex maray wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna, waxaana lagu gaaray in la qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada dhinac, iyadoo Macalin Maxamuud la sheegay inuu wakiil u sameystay wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka.
Shirarka labada dhinac oo albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa dhinaca Ahlu suna uga qeyb galay Sheekh Maxamed Shaakir iyo Saadaq Sheekh Yuusuf, halka Macalin Maxamuud uu wakiil rasmi ah ka dhigtay Sheekh C/risaaq Al-ashcari oo magaciisa waanwaanta kula geli doona dowladda Federaalka Soomaaliya..
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in inta badan la xaliyey tabashadii Ahlu sunna, iyadoo uu socond oono shirka dib u Heshiisiinta iyo Howlaha Dhismaha Galmudug, wuxuuna intaas ku daray in qorshaha dowladda uu yahay sidii dhaqso loogu furi lahaa Shirka Dib u heshiisiinta oo ay caqabad ku ahayd diidmada Ahlu suna.
Xogta laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegeysa in hoggaaminaya Ahlu suna uu raadinayo dhaqaale kale oo dowladda Federaalka siiso iyo inuu awood ku yeesho dowladda cusub ee Galmudug, iyadoo qodobka dambe aan weli laga heshiin, waxaana xukuumadda Somalia ay balanqaad kale u sameysay Sheekha, kaasoo aan la shaacin.