Monday, June 23, 2025

XOG: Maxaa Madaxtooyada Soomaaliya u qarsoon Kiiska Dacwadda Badda..? (Mugdi hareeyay Mowqifka Dowladda)

Iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo looga bartay inay ka gaabsadaan ka hadalka arrimaha masiiriga ah ee dalku wajahayo intii uu talada la wareegay Farmaajo Febraayo 2017, ayaa xilligan waxay mar kale Madaxtooyada dhexda ka fadhidaa mugdi weyn oo hareeyay mid ka mida arrimaha Qaran ee ugu waaweyn xilligan.

Kiiska xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya waa arrin Qaran oo Soomaalida oo dhan ka mideysan tahay inaan wax gorgortan ah laga geli karin, waxayna hore ceeb siyaasadeed oo aan ka harin uga raacday siyaasiyiin ku lug yeeshay inay Kenya la saxiixdeen is-fahamka ay ku doodo inay Soomaaliya la gashay, laakiin Madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo waxay ku fashilmeen inay dadka Soomaaliyeed u caddeeyaan sida Kiiska u socdo iyo arrimaha ku xeeran.

Tan iyo intii ay dowladda Kenya bilowday culeyska diblomaasiyadeed ee ay Somalia ku heysto si uga noqoto dacwadda Badda oo arrinta lagu xaliyo Maxkamadda ICJ bannaankeeda, wuxuu Madaxweyne Faramaajo galay khaladkii weynaa ee keenay inuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u raaco dalka Kenya, halkaasoo lagu dhexdhexaadiyey isaga iyo Uhuru Kenyatta, kadibna Madaxtooyadu ku qasbanaatay inay beeniso xaqiiqada ahayd in laga wadahadlay xal loo helidd Kiiska Dacwadda Badda.

Ad

Kulankii magaalada New York ku dhex maray Madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia oo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha Masar waxay ahayd tallaabo kale oo shaki leh, laakiin Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay warbixino iyo sawirro ku saabsan kulanka, iyadoo Kenya wax hadal ah kasoo saarin, waxayse markan si cad u sheegtay in laga hadlay arrinta badda oo Soomaaliya ku adkeystay in Maxkamadda ICJ lagu dhammeeyo, waxaana arrintaasi markii ug horeysay mowqifkiisa Golaha Guud ka caddeeyay Madaxweyne Farmaajo.

Muddo kadib waxaa xaaladda dib u soo kiciyey dib u dhigista markii labaad ay Maxkamadda ICJ ku sameysay dhageysiga Dacwadda Badda oo la gaarsiiyey June 2020-ka; iyadoo mowqifka dowladda arrintan ka qaadatay aan warbixin cad laga siin shacabka, arrimaha ugu waaweyn ee dhaliyey shakiga laga qabo waxyaabaha u qarsoon Madaxtooyada ee Kiiska Badda waxaa ka mida:

1- Inay Madaxtooyadu gacanta ku heyso kiiskan, oo Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah ugala hadlo dalalka iyo dhinacyada caalamiga ah ee doonaya in Dacwadda laga soo celiyo Maxkamadda ICJ.

- Advertisement -

2- In Madaxtooyada ay qariso dhaqdhaqaaqyada madaxda iyo dalalka dunida ee ku lugta leh kiiska Badda oo qaarkood ay is caddeeyeen, qaar kalena ay qarsoon yihiin sida: Mareykanka, Itoobiya, Masar, Qatar, Norway, UK iyo kuwo kale.

3- Inaysan Madaxtooyada Soomaaliya ka gaabsato markii arrin weyn oo kiisan ku saabsan looga baahdo faafhaahin, sida qaabkii ay Mun Sharmaan uga baxday Qareenada kiiska ku difaacayey Somalia, Sida Safiirka Mareykanka ee Kenya ku yimid Somalia iyo faragelinta qaawan ee dowladda Mareykanka ku heyso Kiiska si looga saaro Maxkamadda.

4- Inay Madaxtooyada ka hadalka Kiiska Badda u adeegsato safiiro (Safiirka Somalia ee Midowga Yurub iyo Kenya) iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

Culeys weyn ee saaran Madaxweynaha Soomaaliya, ka sokow waxay awoodi weysay Madaxtooyad inay xaqiiqada kiiskan lana wadaagto shacabka, waxayna gashay difaac ah inay beeniso hadba wixii war ah ee soo shaac baxa, taasina waxaa ka yimid natiijo muuqaal xun u yeeshay Madaxweynaha iyo Madaxweynaha.

- Advertisement -

Kiiskan wuxuu ku filan yahay inuu galaafto rajada Farmaajo ka qabo in dib loo doorto ama xil danbe oo Qaran madaxda dowladan xilka heysa haddii uu isku dayaan inuu ka tanaasulaan dacwadda Badda, ama xitaa waanwaan ka galaan, inkastoo ay ka war qabaan xasaasiyadda arrintan, haddana qaabka ay u maamulayaan kiiskan wuxuu halis ku hayaa kalsoonida lagu qabo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON