Tuesday, June 24, 2025

XOG: Maxay isu Casishay Wasiir Maryan Qaasim..? [Akhriso Jawaab ay bixisay & Faahfaahin]

Wasiikii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim ayaa sheegtay sababtii ay isaga casishay xilka kadib markii ay maanta ku dhawaaqday go’aanka ay uga tagtay xilkii wasiirnimo.

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Maryan Qaasim ku sheegtay inay xilka isaga casishay arrimo shaqsi ah, kuwaasoo aanay faahfaahin ka bixin. “Maanta oo ah Arbaco 15-ka November 2017, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka aan ka hayay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, duruufo aniga khaas ii ah…” ayayna farriinteeda ku tiri.

Wasiikii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim
Wasiikii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim

Wasiir Maryan Qaasim oo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Farmaajo, madaxna ka ahay xisbigiisii TAYO ayaa muddooyinkii dambe waxaa aad u xumaa xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre.

Howlaha Gurmadka ayaa inta badan wuxuu Wasiirka koowaad u magacaabay Guddiyo kala duwan halkii ay wasaaradda Gargaarka howshaasi qaban lahayd, taasoo loo aaneeyay inay wasiir Maryan Qaasim ku guuldarreysatay maamulka wasaaradda oo ah tan ugu shaqaale yar wasaaradaha, isla markaana uu khilaaf kala dhaxeeyay wasiir ku xigeenkeeda.

Wasiirkii Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa hore xilka isaga casilay markii uu ka dalbaday madaxweyne Farmaajo, taasoo ka dambeysay wax is daba marin lagu helay, iyadoo aan weli la magacaabin wasiir cusub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON