Sunday, July 13, 2025

XOG: Musharaxa bixiyay Dhaqaalaha ugu badan Kursiga HOP063 iyo Musharixiinta diiday

Iyadoo ay magaalada Beledweyne ay hadda ka socoto doorashada kursiga HOP063 ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan tartanka adag ee dhex maraya musharixiinta iyo kharashka loo adeegsaday si loo helo codadka ergada.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in musharaxa bixiyey dhaqaalaha ugu badan uu noqday Musharaxa la dhashay Madaxweynaha K/Galbeed (dhinaca Hooyada) oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Aadan kaasoo ergada siiyey lacag dhan $1500 midkiiba.

Inta badan Musharixiinta kale ee kursigan u tartamaya ayaa bixiyay $500 ergey kasta, waxaa kaloo jira musharixiin yar oo bixiyey min $400, halka laba Musharaxa aysan bixin wax lacag ah. Dhinaca kharash bixinta waxaa hoggaamiyana Musharax Maxamed Daahir oo markii hore Lafta-gareen dadaal u galay in loo xiro kursiga.

Wareegii labaad oo lagu kala bixi waayey iyo kii sddexaad ayuu lacag fara badan bixiyey Musharax Maxamed Daahir oo la dhashay C/casiis Lafa-gareen, waxaana kharashka ka baxay uu gaaray lacagh ku dhow 1 Milyan oo Dollar, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow doorashada.

Lacagta uu dorashada ku galay mushraxan waxaa bixiyey oo taageero xoog leh la garab taagnaa madaxweyne C/casiis Lafta-gareen oo sidan oo kale musharixiin kasoo saartay maamul Goboleedyada kale, balse loo xiray kuraasta.

Waxaa la ogaan doonaa natiijada doorashada inay saameyso dhaqaalaha ay musharixiinta adeegsadeen iyo in ergadu wax ku doortaan arrimo kale.

May be an image of 1 person, standing and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON