Iyadoo saaka lagu waday inuu magaalada Dhuusamareeb ka furmo wejiga labaad ee shirka wadatashiga Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa mar kale dib u dhac ku yimid.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka caga-jiidayo mar kastoo heshiis ay gaaraan, la isuna soo dhowaado, taasoo ay ugu wacan tahay la-taliyeyaashiisa oo cadaadis ku haya, iyadoo ay u dheer yihiin Guddoonka Baarlamaanka oo is-baheysi kala dhaxeeyay oo iyagana ka horjeeda Shirka Dhuusamareeb.
Wararkii ugu danbeeyay ee shirarka ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is-afgarad laga gaaray qodobka ugu weyn ee la isku khilafsanaa oo ah Doorashada, heshiiskaas oo salka ku haya inaysan dhici karin Doorasho qof iyo cod ah, isla markaana aan dib loogu laaban doorasho dadban, loona saaro Guddi kasoo shaqeeya nooca doorasho ee ku haboon xilligan.

Wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb oo marar badan dib u dhacay ayaa u xayiran Madaxweyne Farmaajo oo dhowr jeer dalbaday dib dib loo dhigo, waxaana shirka loo qoondeeyay in marka la furo ay khudbado ka jeediyaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda dowladda Federaalka, lagana akhriyo War-saxaafadeedka la diyaariyey iyadoo howsha harsan loo dhaafayo Guddi farsamo oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada iyo Xukuumadda Federaalka.