Qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado inuu maalmaha soo socda soo gaaro caasimadda.
Xasan Sheekh oo intii uu xilka banneeyay ka maqnaa dalka ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay waday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, isagoo qeyb ka noqday isbaheysiga mucaaradka ee ay sameysteen 4 kooxood, waxaana Xasan Sheekh loo wadaa inuu noqdo hoggaamiyaha mucaaradka.
Dadaallo loogu jiray in soo laabashada Xildhibaan Xasan Sheekh dib loogu dhigo ayaa socon waayey, waxaana muddo laba jeer ah dalka Turkiga oo uu deganaa kula kulmay madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la sheegay inuu ka dalbaday arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay inuu noqdo oday dhexdhexaad ah, hormuudna ka noqdo xalinta xiisadda diblomaasiyadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Taageerayaasha Xasan Sheekh iyo kooxdiisa xildhibannada la baxay Horusocod ayaa intii uu dalka maqnaa ahaa mucaaradka ugu weyn ee dowladda Farmaajo iyo Kheyre, waxaana wararku sheegayaan in xukuumadda Soomaaliya ay qorshe u dejisay sidii loola macaamili lahaa madaxweynihii hore.
Xukuumadda ayaa ka cabsi qabta inuu culeys siyaasadeed ku soo kordhiyo xaaladda dalka iyadoo uu dhowaan furmayo kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu bilaaban herdan siyaasadeed.