Iyadoo lagu sii dhowaanayo gabagabada Doorashada dadban ee Soomaaliya 2022, ayaa waxaa soo baxaya qorsheyaal ay wataan dalalka saameynta ku leh Soomaaliya iyo isbedel ku imaanaya tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xogtii ugu danbeysay ee ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in Dowladda Imaaraadka ay mar kale ka dhex muuqato tartanka Musharixiinta ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo taageereysa Musharixiin kala duwan sidii dhacday Doorashadaii 2017.
Toddobaadkan waxaa dalka Imaaraadka Carabta tegay wasiiro saaxiibo la ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si ay dalkaasi uga dhaadhiciyaan taageerada Rooble oo ay doonayaan inuu ugu danbeyn isu sharxo xilka Madaxweynaha.
Wasiirka Waxbarashada oo ah gacan-yaraha Rooble, iyo kan Amniga ayaa la xaqiijiyey Imaaraadka Carabta inay u tageen olole doorasho oo aan weli soo shaac bixin, kaasoo lagu qiimeynayo musharaxnimada Rooble ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo taageerada dhaqaale ee uu ka heli karo dalkaasi.
Qorshaha cusub ee Rooble ugu danbeyn la doonayo inuu ka mid noqdo musharixiinta Madaxweynaha ayaa ahaa mid hore u jiray, inkastoo uu marar badan Rooble shaaciyey inuusan xil dooneynin iyo inuusan ahayn Musharax Madaxweyne, haddana muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa saaxiibada la-taliya tuseen inuu leeyahay fursad weyn haddii uu is sharxo.
Rooble oo Imaaraadka Carabta xiriir gaara la yeeshay ayaa abuuray shaki cusub markii uu wasiiro saaxiibo la ah u dirtay Imaaraadka, taasoo keentay in taageerayaasha Farmaajo ay bilaabaan faafinta musharaxnimada xilka Madaxweynaha ee Maxamed Xuseen Rooble.
Rooble oo hore looga dareemay inuu taageerayo musharaxa ay isku beesha kasoo wada jeedaan ee C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa hadda qiimeynaya inuu noqdo musharax Madaxweyne, iyadoo ay soo shaac baxayaan qorsheyaal muujinaya inuu dhinacaasi u jiheystay.
