Wednesday, July 9, 2025

XOG: Qorshe ay wadaan Xildhibaannada taageersan Farmaajo ee gaaray Xarunta Afisyoone …

Xildhibaanno fara badan ayaa gaaray Hoolka Doorashada ee Xarunta Afisyoone, kadib markii saaka ilaa Duhurnimadii ay ciidamada Boolis iyo Nabadsugid ah ay hor istaageen xildhibaannadii tegi lahaa Afisyoone.

Dadaallo badan iyo kulan dhex maray Ra’iisal Wasaare Rooble, Taliyihii Booliska ee xilka laga joojiyey iyo Musharixiinta madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Siciid Deni iyo C/kariin Guuleed ayaa arrinta lagu qaboojiyey, balse aan xal lagu gaarin.

Waxaa la fududeeyay isu socodkii, taasoo suuragelisay in xildhibaanno badan ay tagaan Xarunta Afisyoone, iyadoo kooramka Golaha Shacabka ku furmayo oo ah 140 xildhibaan la gaarayo.

Guddiga Doorashada iyo Xogheynta Baarlamaanka ayaa diyaarisay qalabka Doorashada iyo agabkii wax lagu dooran lahaa, waxaana socda qabanqaabadii ugu danbeysay ee Doorashada.

Qaarkood ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin inay doorashada ka qeyb galaan xildhibaano si sharci darro ah lagu doortay oo ay ula jeedaan xildhibaannada kasoo baxay Ceelwaaq. Warkan waxaa laga soo xigtay taliyihii hore ee Asluubta Jen. Maxamed C/raxmaan (Taliye Shub).

Xogta la helay ayaa sheegaysa in markii uu socon waayey is hortaagii kulanka Golaha Shacabka im xildhibananada taageersan Farmaajo oo ay ugu horeeyaan kuwa laga soo doorto K/Galbeed ay diyaarsadeen inay fowdo ku hor istaagaaa Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaannadan ayaa dooda ay hadda qabaan iyo qorshaha ay fulinayaan uu yahay inaysan doorashada ka qeyb gelin xildhibaannda lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq, sida ay dagaalka ugu jirto kooxda Farmaajo.

Xildhibaanadii kasoo glaay Hay’adda NISA aya sidoo kale gaaray xubnihii lagu la sheegay in lagu goortay magaalada Garbahaarey, waxaana la filayaa in arrintu muran gasho, haddii aan xal loo helin.

Iyadoo ay socdaan qulqulka xildhibananada tegaya Teendhada Afisyoone ayaa wararku sheegayaan inay doorashadu bilaaban karto Afurka kadib, iyadoo xildhibaannada K/Galbeed oo hore uga maqnaa ay hadda gaarayaan Goobta Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON