Sunday, July 20, 2025

XOG: Ra’iisal wasaare Kheyre oo Ahlu suna u qabtay inay kala doortaan 2 Qodob [Akhriso]

Iyadoo aan xal kaam dambeys ah laga gaarin xiisadda siyaasadeed ee ka dhex alsoosantay Xukuumadda Soomaaaliya iyo Ahlu suna ayaa waxaa soo baxaya inay meel xasaasi ah gaareen wadahadalkii u socday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud Sheekh Faarax.

Macalin Maxamuud oo ka hor yimid ciidamo uu Ra’iisal wasaare Kheyre dalbaday inay yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ayaa la yimid saddex qodob oo uu doonayo inay fuliso xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa in magaalada Dhuusamareen aan la keenin ciidamo kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, laakiin Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa arrintaasi ka biyo diiday isagoo laba qodob u sheegay inay kala doortaan Ahlu suna.

KASHIFAAD: Muxuu doonayaa Macalin Maxamud – Hoggaamiyaha Ahlu-suna? [Saddex Qodob]

Sida xogta laga helay Dhuusamareeb ay sheegeyso Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday Hoggaamiyaha iyo madaxda Ahlu suna in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto caasimad Galmudug leedahay oo amnigeeda lagu wareejiyo ciidamada dowladda si ay isugu yimaadaan dhammaan beelaha Gamudug iyo inay sii ahaato magaalo koox u xiran oo ay gaar u maamusho, kadibna ay go’aan ka qaadan doonaan go’aanka ay arrintan ak qaataan Ahlu suna.

Wadahadal adag oo ay qeyb ka noqdeen odayaasha iyo waxgaradka Beesha uu kasoo jeedo hoggaaminaya Ahlu suna ayaa kadib la sheegay inay Ahlu Suna ogolaadeen inay amniga magaalada ku wareejiyaan dowlada Soomaaliya,.

Wararka ayaa sheegaya inay weli socdaan xalinta arrimo dhowr ah oo ay codsadeen madaxda Ahlu suna inta aan magaalada Dhuusamareeb la geyn ciidamada cusub ee dowladda Soomaaliya u diyaarisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON