Monday, June 23, 2025

XOG: Ra’iisal wasaare Kheyre oo Go’aan adag ka qaatay talo soo jeedintii xildhibaanada & Guddoomiye Jawaari

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa la sheegay inuu go’aan adag ka qadanayo talo soo jeedinta ku saabsan wax ka bedelka loogu yeeray inuu ku sameeyo Golihiisa wasiirada.

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in ra’iisal wasaaraha aanu wax isbedel ah ku sameyn  doonin golaha wasiirada ee uu magacaabay, balse tixgelin siin doono talo soo jeedinta ka timid xildhibaanada ee uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Talo soo jeedinta xildhibaanada ayaa la sheegay mid welwel ku heysa Ra’iisal wasaaraha iyadoo ay horeba u dhici jirtay talo soo jeedin noocan oo kale ah, balse aan saxaafadda lala wadaagin, lana siyaasadeyn.

Ad
Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre

Olole iyo dadaallo ay wadeen golaha wasiirada magacaaban ayaa meel fiican soo gaaray iyagoo ku kalsoon inay heli doonaan codka kalsoonida, lama oga waxa ay arrintaas ka bedeli doonto talo-soojeedinta.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sugaya madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la filayo inuu dib ugu soo laabto dalka, si ay uga arrinsadaan kalsooni siinta xukuumadda iyo arrinta Baarlamaanka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON