Monday, June 30, 2025

XOG: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hor yimid Qorshe ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya

U GAARA GOOBJOOGE

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor yimid Qorshe ay wadatay madaxtooyada Soomaaliya.

Qorshahan ayaa ku saabsan heshiisyo dhowr ah oo Soomaaliya ay la galeyso Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo wasiiro fara badan loogu diri lahaa Sacuudiga.

Madaxtooyada ayaa dooneysay inay ilaa 10 wasiir ay tagaan Sacuudiga si ay dhiggooda Sacuudiga ula saxiixdaan heshiisyo mashaariic kala duwan ah oo Sacuudigu dhaqaalahooda bixinayo, kuwaasoo qeyb ka ahaa codsigii dowladda Soomaaliya hor dhigtay Sacuudiga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkeystay in kaliya saddex wasiir loo diro Sacuudiga, taasoo keentay dood keentay in markii dambe ilaa shan wasiir loo qorsheeyo safarkaasi, waxaana lagu wadaa in wasiirada ay berrito u dhoofaan Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa dhexda uga jirta loolanka ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo Sacuudiga, waxaana madaxweyne Farmaajo u janjeera Sacuudiga, halka Kheyre la sheegay inuu door bidayo Qadar.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON