Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaalad adag kasoo wajahday beesha uu kasoo jeedo ee Hawiye, kadib kulan ay la qaateen Odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye.
Qoraal ay odayaasha Hawiye u gudbiyeen Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu shaaciyey baraha bulshada, kaasoo tilmaan ka bixinayey sida beesha Hawiye aanay wax kalsooni ah ugu qabin Dooarashada ay wado dowladda Federaalka ee magaca Ra’iisal wasaaraha la doonayo in lagu boobo, isla markaana ay ka cabsi qabto in amni darro ka dhalato qaabka uu wax u wado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ra’iisal wasaaraha ayaan wax saameyn ah ku lahayn qorshaha uu wato Madaxweyne Farmaajo, taasoo keentay in siyaasiyiinta iyo odayaasha Beesha Hawiye ay isku aragti ka noqdaan Ra’iisal wasaare Rooble oo ka carooday faafinta qoraalkii Odayaasha Hawiye.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuusan jirin Ra’iisal wasaare hadda shaqeynaya, arrintuna ay tahay Madaxweynaha iyo NISA oo doonaya inay boobaan doorashada soo socota, wuxuuna ku hanabay inaysan Muqdisho ka dhici doonin doorasho aan raali laga ahayn.
Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda wajahaya xaalad adag oo iska horjeeda oo ah inuu xal u helo rabitaanka beeshiisa iyo raaligelinta Madaxweyne Farmaajo, taasoo aan muuqan inuu wax ka qaban karo.
