Sunday, June 22, 2025

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka Hay’adda NISA soo qabtay muddo saddex jeer ah, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh markii u danbeysay dib u magacabay bishii April 2024. Xilligan wuxuu Hay’ada joogay muddo sanad ah.

Arrinta yaabka leh ayaa ah inuu Sanbaloolshe xilka ku wareejin doono isla Agaasimihii ka horeeyay Mahad Maxamed, kaasoo mar labaad uu dib usoo celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Xil ka qaadista Agaasime Sanbaloolshe ayaa miiska saarneyd muddo laba bilood ah, waxaana mar kasta dib loogu dhigay culeyso siyaasadeed, mid awood qeybsi iyo xaaladda dagaal ee Gobollada Hiiraan iyo SH/Dhexe.

Sida xogtu sheegeyso sababta ugu weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh xilka uga qaaday C/llaahi Sanbaloolshe ayaa ah, iyadoo ay meesha ka baxday kalsoonidii u dhaxeysay ee xilka loogu dhiibay.

Arrintan ayaa soo shaac baxday in Qaraxii 18-kii Maarso 2025 lala beegsaday Kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo dhaliyay su’aalo badan oo jawaab loo waayey, waxayna xaaladu kasii dartay Markii Hay’adda NISA ay ku fashilantay inay ka hortagto ama baatiraan xoog leh ku sameyso.

- Advertisement -

Sida hoose ee Hay’adda uga falcelisay Qarixii cuslaa ee lagu khaarijin lahaa Xasan Sheekh  iyo safarrada uu Sanbaloolshe ku tago dalka Imaaraadka Carabta ayaa sabab looga dhigay inay lunto kalsoonidii Madaxweyne ku qabay Agaasimaha NISA, taasoo ugu dambeyn ku keetay inuu qaato go’aanka uu xilkii uga qaaday.

Dhinaca kale, Doorashadii Galmudug ee Mahad Salaad u sharaxnaa oo meesha ka baxday iyo inuu noqday qofka kaliya ee Madaxweynuhu ku kalsoon yahay ayaa u suuragelisayt inuu mar kusoo laabto hoggaanka NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON