Dadweynaha Muqdisho ayaa si weyn uga cabanaya wadooyinka xiran iyo xayiraad ku timid isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada oo gaartay heerkii ugu adkaa markii ciidamada amniga Muqdisho ay xireen inta badan isu socodkii magaalada.
Hay’adaha Amniga ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan, lakiin xogta la helay ayaa sheegeysa inay jirto digniin amni oo ay heleen hay’adaha amniga oo keentay in ciidamo badan la dhigo wadooyinka magaalada Muqdisho.
Xogtan ayaa laga helay ilo kala duwan oo ay ku jiraan sirdoonka reer Galbeedka iyo AMISOM waxayna ku saabsan tahay weeraro qaraxyo is-miidaamin ah iyo kuwo toos ah oo Alshabaab ay qorsheysteen inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho maalmaha ugu danbeeya bishan Ramadaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo ka hadlayey wado furis ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku gaabsaday baaq uu dadka Muqdisho u diray oo ahaa inay dulqaataan, isagoo aan ka hadlin xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli loo diyaar garoobayo ciidul fitriga bisha Ramadaan oo ku beegan aakhirka toddobaadkan, iyadoo xilliyadan ganacsiyadu xowli ku socdon, isla markaana isu socodka dadka iyo gaadiidka uu ahaa xilliyada ugu badan.