Tan iyo intii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku soo beegmay xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay dalka, wuxuu si qunyar socodnimo ah u wajahay mowjadihii siyaasadeed ee dalka taagnaa, isagoo markii danbe lagu wareejiyey maamulka Doorashada Dalka.
Rooble oo mar loo heystay inuu yahay Siyaasi aan awood lahayn oo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynihii magacaabay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa soo maray fursado uu uga faa’iideystay go’doonkii Farmaajo ka heystay dhinac kasta, wuxuuna ugu danbeyn isu arkay inuu door madaxweyne qaadan karo.
Rooble iyo Xukuumadda xilgaarsiinta uu hoggaamiyo waxay shaqada u taalla ahayd oo kaliya inay dalka gaarsiiyaan Doorasho, laakiin waxay dhex gashay arrimo waaweyn oo ka baxsan shaqadii ugu muhiimsaneyd ee laga sugayay, taasoo inteeda badan ah olole siyaasadeed oo Rooble ku dhisanayo magac, kuna qoranayo CV siyaasadeed cusub.
Qodobadda soo socda waxay caddeyn u yihiin in Maxamed Xuseen Rooble ka faa’iideysanayo xilka uu hayo ee waqtiga kala guurka ah, isagoo isu diyaarinaya dhisidda magac iyo waxqabad uu ku noqon kara musharax madaxweyne oo miisaan leh.
Dhisidda xiriirka Arrimaha Dibada
Kadib caleemo-saarkii madaxweynaha Jabuuti ee May 2021 oo Rooble ka qeybgalay halkii uu tegi lahaa Farmaajo oo xiisad kala dhaxeysay Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa joogto noqday socdaallada uu Ra’iisal wasaaraha ku tegayo dalalka Dibadda, wuxuuna qaatay tallaabo wax uga bedelayo siyaasadii Arrimaha dibadda ee Dowladdii Farmaajo ku socotay afartii sano ee ay talada heysay.

Socdaalkii Ingiriiska, kii xasaasiga ahaa ee dalka Kenya iyo safarkiisa dalka Masar oo la filayo inay dalal kale kusoo xigaan wuxuu Rooble ku muujiyey inuu qaadan karo go’aano waaweyn, isla markaana geli karo heshiisyo xilli uu weli xafiiska joogo madaxweynihii magacaabay, isla markaana diidan yahay dhaqdhaqaaqiisa.
Dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalkii uu la dirirsanaa Farmaajo waxay ka dhigan tahay inuu Rooble u bareeray magac ku raadsiga hagaajinta arrimihii lagu eedeeynayey Farmaajo.
Dagaalka siyaasdeed ee kala dhaxeeya Farmaajo
Wareegtadii uu Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Farmaajo ug joojiyey xukuumadda inay wax heshiis ah gasho xilliga kala guurka, iyo jawaabtii adkeyd ee Rooble waxay caddeyn u ahaayeen khilaafkii labada mas’uul ee dibadda u soo baxay, waxaana ka horeeyay xil ka qaadistii Rooble ku sameeyay gacan-yarihii Farmaajo ee C/llaahi Kulane oo ka mid ahaa madaxda Hay’adda NISA.

Dagaalkan waxaa hoos u dhigay madaxtooyada oo dooratay inaysan si toos ah uga hor imaan Rooble, balse ay qaabab kale ula tacaasho, laakiin Rooble oo sii wata shaqadiisii, iskuna darsaday xilalkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa xaaladda uga sii daraya.
Rooble kama gaabsado inuu ahaa ninka dalka ka badbaadiyey dagaal markii uu Farmaajo ku dhaqaaqay muddo kororsiga iyo inuu doorasho xalaal ah qabanayo, halka uu Farmaajo rabay doorasho uu kusoo laabto, sidoo kale wuxuu awoodiisa ku tijaabiyey xil ka qaadista xubnaha ugu dhow Farmaajo, haddana wuxuu ku dhex jiraa la wareegidda siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka oo isbedel weyn uu ku sameynayo.
Daba-dheereynta Doorashada
Rooble oo hadda madax u ah Guddiga Wadatashiga Qaran, waxaa muuqata inuusan awoodiisa saarin dedejinta Doorashada oo marar badan dib dhacday, isagoo ku mashquulsan safarro dibadeed, taasoo caga-jiid ku riday socodkii Doorshada oo Aqalka Sare weli lasoo dhammeyn, weliba uu taagan yahay khilaafkii garabyada Somaliland.

Hore waxaa u soo baxay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa muuqata in Rooble uu fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu magac sameysto, kana mid noqdo Musharixiinta rajada leh.
Ugu danbeyn Maxamed Xuseen Rooble oo marara badan sheegay inuusan musharax ahayn, isla markaana uu doonayo doorasho xor ah iyo xalaal ah inuu dalka ka qabto, laakiin waxaa aad suuragal ah inuu ka mid noqdo Musharixiinta xilliga ugu danbeeya is keena masraxa tartanka, isagoo ololaha ku galaya inuu dalka gaarsiiyey Doorasho, isla markaana uu hagaajiyey qeyb ka mida khaladaadkii Maxamed Farmaajo.
