Sunday, July 13, 2025

XOG: Saddex Culeys oo Cali Guudlaawe ku qasbay inuu furo tartanka Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa culeysyo soo food saaray dartood la sheegay inuu furayo tartanka kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.

Doorashada Senatoorada Aqalka Sare ee Hirshabelele ayaa ka duwanaan doona doorashooyinkii maamullada kale oo loo xiray xubno ay wataan madaxda maamul Goboleedyada, iyadoo laga reebay musharixiin caan ah.

Kuraasta Aqalka Sare ee ugu adag, laguna tartami doono Hirshabeelle, waxaa ugu horeeya kursiga uu difaacanayo Senator Muuse Suudi Yalaxow, kaasoo ay kula tartamayaan musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay C/llaahi Sheekh Xasan oo taageero ka heysta Madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Farmaajo.

Kursiga labaad ee sida weyn loogu loolamayo waa kursiga uu difaacanayo Senator Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle, waxaana tartan adag kula jira Danjire Maxamud Axmed Nur (Tarsan) oo ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya, taageerana ka heysta Farmaajo iyo Fahas Yaasiin.

Cali Guudlaawe ayaa ku qasbanaaday inuu furo ugu yaraan kuraasta sida weyn la isugu heysto, waxaana ugu wacan arrimaha soo scoda:

1- CULEYS AMNI

Musharxiiinta qaar sida Senator Muuse Suudi waxaa taageeraya xoogagga ciidamadii Badbaado Qaran la baxay ee ka hortegay muddo kororsigii Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuwaasoo halis amni looga baqay magaalada Jowhar, haddii Xaaji Muuse laga reebo tartanka.

2- CULEYS DHAQAALE

Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa doonaya inay Doorashada Aqalka Sare noqoto mid furan oo olole loo galo, si codkooda qiiime u yeesho, ayna u suuragasho inay musharixiinta ka helaan kharash.

3- CULEYS SIYAASADEED

Cali Guudlaawe ayaa wajahay culeysyo siyaasadeed oo uga yimid Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo iyo xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhinac kasta doonayey in loo soo saaro musharixiinta uu wato.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo isku dayay inuu dhinac kasta qanciyo ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka diiday inuu kuraasta u xiro xubnihii ay wateen oo ay ugu horeeyaan Maxamuud Tarsan iyo C/llaahi Sheekh Xasan, wuxuuna dhinaca kale ee Musharixiinta u sheegay inuu qabanayo doorasho lagu tartamo.

Ugu danbeyn, Waxaa lagu wadaa inuu Cali Guudlaawe soo saaro saacadaha soo socda liiska musharixiinta 8-da Kursi ee Aqalka Sare oo 3 kursi oo ka mida si adag loogu tartami doono, iyadoo markii ugu horeysay rajo laga qabo in la arki doono tartan doorasho toos ah oo lagu kala baxo Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON