Ergada kasoo jeeda Somaliland waxaa ka muuqatay inaysan badankooda taageerin musharixiinta u calaamadeysaa inay taageero ka helayaan Farmaajo.
Waxa magaalada Muqdisho maanta lagu doortay lix kursi oo ka mida kuraasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), iyadoo kuraasta qaarkood si adag loogu tartamay.
Kursigii koowaad: oo ahaa ugu horeeyay waxaa ku guuleystay Guddoomiyihii Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, kadib markii uu tanaasulay musharxaii la tartamayey, wuxuuna cod gacantaag ah ku helay 44 ergo.
Cabdi Xaashi waa Mucaarad muddo dheer dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Farmaajo, waxayna soo noqoshadiisa ka dhigan tahay inay si weyn u yaraatay saameynta kooxda Farmaajo ku lahaayeen Doorashada Somaliland.
Kursigii labaad; Waxaa ku tartamay wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahin lidle Saleebaan, waxaa wareegii koowaad cod gaaraya 29 cod ku guuleystay Wasiir Saalax, halka Musharax Saleebaan uu helay 12 Cod.
Kadib markii uu guuleystay Wasiir Saalax, waxaa durba sheegtay inuu ka mid yahay kooxda Farmaajo oo baraha bulshada ku shaacisay inuu yahay Musharax u taagan Guddoomiyaha Aqalka Sare, laakiin xogta ayaa sheegeysa in Wasiir Saalax uu yahay nin aanay kooxna lahayn oo looga bartay inuu yahay nin mowqifkiisa xor u ah.
Kursigii saddexaad: Wuxuu ahaa kursi adag oo wareeg labaad la isla gaaray, waxaana ku tartamay: Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali. Wareegii hore waxay natiijadii noqotay in Prof. Cabdi Ismaacil uu helay 23 cod, Prof. Alla-bari ayaa helay 19 cod, halka C/raxmaan Cismaan uu helay Saddex cod.
Wareegii labaad waxaa 25 cod ku guuleystay Prof Cabdi ismaaciil Samatar, iyadoo musharax Prof. Maxamed Maxamuud (Alla-bari) uu ka helay 21 cod, waxaana kursigan uu ahaa mid loolan adag ka dhacay. Kooxda Farmaajo oo taageereysay Prof. Maxamed Alla-Bari ayaa mar kale looga adkaaday kursigan.
La qorshe oo kooxda Farmaajo u degtay in Aqalka sare looga reebo Prof. Cabdi Ismaaciil ama looga adkaado doorashada ayaa shaqeyn waayey, waxaana lagu dagaalamay kharash, iyadoo arrinta ay lug ku lahaayeen madaxda iyo odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Somaliland.
Kursiga afraad: Waxaa ku tartamay Wasiirka warfaafinta Cismaan Abokor Dubbe iyo Senator Cabdikariim Maxamed Xasan. Tartanka kursigaan waxa xiiso gaara u yeelay iyadoo kooxda Farmaajo ay olole culus u galeen inuu doorashda kusoo baxo Senator C/kariin, si meesha looga saaro Wasiir Dubbe oo xilliyadii ugu danbeeyay kooxdooda ka baxay, taasoo guuldarro kale ay ka raacday.
Wasiir Dubbe oo Madaxtooyada kasoo horjeeda, kooxaha mucaaradka ahna aysan aaminin karin ayaa si nasiib ah ku guuleystay codad gaaraya 28 cod, halka Senator C/kariibn uu ka helay 17 cod.
Kursigii shanaad: ma jirin tartan ka dhacay, waxaana cod gacantaag ah kusoo baxday Senator Layla Axmed Ismaaciil, kadib markii uu tanaasulay musharax Maxamed Maxamuud Cabdi oo ay iyadu wadatay, waxaana cod gacantaag ah ku ogolaatay 39 cod ergo.
Kursigii lixaad: Waa kursigii ugu danbeeyay ee maanta la doorto, waxaana kusoo baxay Senator Bilaal Idiris Cabdilaahi oo helay 37 cod, halka musharax Saynab Axmed Boqorre ay ka heshay 8 Cod.
Guud ahaan tartanku wuxuu ahaa mid cod lagu kala baxay, marka laga reebo laba kursi oo tanaasul ka dhacay, lana si ogaa natiijadooda, afarta kursi ee kale waxaa ka dhacay olole lacago lagu kala qaatay, lacagta la bixiyey waxay u dhaxeysay 2000 ilaa 4000 Dollar.
Marka laga soo tago ololaha musharixiinta, lacagta la bixiyey iyo saameynta kooxaha mucaaradka ku yeesheen, waxaa ergada Somaliland ay noqdeen kuwo badankooda aan dooneynin inay codkooda siiyaan Musharax la ogyahay inuu taageersan yahay Farmaajo.
Doorashadan waxaa kusoo baxay oo si weyn uga dhex muuqda siyaasiyiinta sida adag uga horjeeday Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna ahayd caddeyn kale oo guuldarro ah, una soo hoyatay markii la eego halkii ugu darneyd ee ay ka filayeen inay xubno ay wataan kusoo saaraan.
